Tuesday , September 28 2021

7 qaab oo aad ku dhiiri galin karto qofka

7 qaab oo aad ku dhiiri galin karto qofka

Dhiiri galinta waa wax aad iyo aad u wanaagsan una wanaagsan qofka la dhiiri galinaayo si uu waxa uu ku haminaayo u gaaro.

7daan qodob waa qaababka aad ku dhiiri galin karto qofka:

1.       Marka hore qofka markaad dhiiri galineeyso si gooni ah u dhiiri gali, marka uu dadka dhax joogo waxaa laga yaabaa in qofka uu dareemo xooga xishood ah oo uusan dhiiri galintaada jawaab saas u balaaran ka bixinin.

2.       Ku taageer dareenkooda iyo fikiradaha wanaagsan ay soo jeediyaan, marna ha daboolin ama ha is iloowsiin fikir ay kuu soo jeediyaan.

3.       Ka caawi caqabahada soo wajaha, si aysan u dareemin kalinimo.

4.       Isticmaal su’aalo Tusaale “Ma u maleeyneeysaa inaad warbixinta soo gudbin karto galabta?” Su’aashaada ha ahaato mid aanan caqabad ku ayahn qofka.

5.       U sharax qiimahooda. Tusaale “Waxaa tahay qofka ugu fiican”.

6.       Marka aad wax u sheegeeyso ha ula hadlin sidi qof ka sareeyo oo kale.

7.       Marka uu qofka wax wanaagsan qabto ama shaqadi sida aytahay uu u qabto u sheeg oo ku dheh shaqo wacan ayaad qabatay horay u soco.

 

Mahadsanidiin

Aflixi.com

Check Also

5 WADDO OO AAD UGA FAAIDEYSAN KARTO WAQTIGAADA FIRAAQADA AH

Maxaa sameeyaa waqtiga fursadaha aan leeyahay ama firaaqada? Waqtiga wuxuu ka mid yahay nolosha qofka …