Tuesday , October 19 2021

8da aasaas ugu wanaagsan ee aad u baahantahay in noloshaada guul ka gaartid

Guusha marka hore alaah ayaa bixiya balse waxay u baahantahay in lala yimaado waxyaabaha sababi lahaaa in aad guul gaartid sidoo kale guusha waxay u baahantahay dhabar adeeg iyo samir badan  waayo waxaa kusoo wajihi doona culees fara badan iyo caqabado guusha iskama timaado ee waxay ku timaadaa in uu alaah kula soo doono iyo in uu qofka noqda midka ka faaideysta.

 

Waxyaabaha aas aaska u ah waxaa ka mid ah.

1.In uu qofka diyaarsanyahay.

Diyaarsanaanta waa aasaaska guusha qofka waxaad arkaysaa qof soo martay fursad oo hadana ka faaideysan taasi micnaheeda ma uusan diyaarsaneen fursada halmar unbey kusoo martaa islamarkaana waa in aad ka faaideysataa sida ugu macquulsan ee suuragal ah.

 

2.Samey waxaad jeceshahay.

Qofka baniaadamka ahi ma wadi karo shaqo uusan ku qanacsaneen waa in aad samaysaa waxa aad jeceshahay islamarkaana guul ka gaari kartid waayo markaas waxaad leedahay yool aad tiigsanayso.

 

3.Yeelo yool.

Waa muhiim in aad yeelatid yool si aad u xaqiijiso waxa aad hiiigsanayso oo hormar ah waxayna kugu riixaysaaa yoolkaada in aad gaartid guusha aad hiigsanayso.

4.Kuso waddo saxan.

Ma gaari kartid hadii aad kusocotid waddo qaldan taasi waxay keenaysaa in aad ka lunto hadafka aad laheed  waxaa muhiim ah dadka waaya araga ah in aad ka qaadatid wixii fikrado oo dhaxal gal ah.

 

5.Ka fakar waxa aad ku dhaqaaqi doontid.

Qorshaha waxaa uu qeyb weyn ka yahay hormarka qofka noloshiisa waa qorsha la,aan waxba ma socoon karaan sidaa saxda ah marka waa in aad ka fakartaa waxa aad samayndoontid ooo ku saabsan noloshaada.

 

6.Diiradda saar hormarkaaga.

Waxaa xaqiiqa ah in ay kusoo wajahayaan caqabado fara badan  taasi waxy u baahantahay adkaysi iyo samir fara badan si aad  u gaarto guusha noloshaada  islamarkaana aad xal u keentid dhibaatooyinka kusoo wajahay rabina aad talo saaratid.

 

7.Cadeey hiigsigaada.

Guusha waxa ay leedahay target marka qofka waa in uu uu cadyahay waxa uu rabo in uu gaaro hadii aysan taasi jirin waxaa imaanaya in qofka noloshiisa kusoo idlaato guul daro.

 

8.La soco dadka wanaagsan.

Dadka wanaagsan in aad la socotid ama aad saaxibo ka dhigatid waxay qeyb weyn ka tahay hormarka noloshaada halka aad saaxiibo ka dhiganlahayd dad aan mustaqabl nololeed rabin .

Check Also

5 WADDO OO AAD UGA FAAIDEYSAN KARTO WAQTIGAADA FIRAAQADA AH

Maxaa sameeyaa waqtiga fursadaha aan leeyahay ama firaaqada? Waqtiga wuxuu ka mid yahay nolosha qofka …