Saturday , June 19 2021

Geeraar Amaan Raxmo

Geeraar Amaan Raxmo

Gabdhihii Ambiyadiyo
ka sokoow asxaabtii
Raxmooy adiga oo kale
Ifka hooyo mey dhalin
uur laguma soo sidin
lamma soo abaabibnin
Aabba muu gardaadinin
ragna Arad ummey noqon
timmaheeda muu arag
araxdeeda muu dhugan
Abwaan caashaq lamma jilin
ugaasooy kummuu oran
habeen muu agjiifanin
umma uu abaalgudin
Abboowana kummey dhihin,
ammaantaada gacalooy
ma idleynkaraayee
Alloow aadan iil tagin
innagoon aroosgalin
Oorideyda aad noqon.

Ina-Aadan Deeqeey
qurux aabbaheedeey
indha-caashaqleeyeey
ayaan iyo nin hood lahaad
Raxmooy ubad u qaaddaa
ood Arad xalaal iyo
ilmasida u noqotaa,
aqal kaala toosaa
ballantaada oofshoo
immin dhexe habeenkii
timmahaaga alabsadee
oofaha ku seexdeen
naasaha ibtoodiyo
kuu salaaxa oogadoo
adoo godol u agabdhigay
neeftaada udugga leh
sidii ila durdurayaan
afkiisii ka buuxsada,
ujeeddadu waxey tahay
jacayl baa i abbaaroo
Raxmooy aawadaa baan
dummar uga agaagee
eraygeynu dhiganniyo
axdigii ha eexanin
Alloow aadan iil tagin
innagoon aroosgalin
Oorideyda aad noqon

Check Also

geeraar amaan ah

Geeraar aad u macaan xarafka D

Geeraar aad u macaan xarafka D Dadka taan ka doortaay Dareenkii wadnahaygaay Diirkii jirkeygaay Dooqeygu …